Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-23 may sanad walba ayaa la xusaa maalinta Caalamiga ah ee Fistula-da Hooyada waana dhaawac caafimaad oo dhaca inta lagu jiro dhalmada, gaar ahaan marka dhalmadu ay adkaato ama ay qaadato saacado badan iyadoo aan la helin gargaar caafimaad.
Cudurkan wuxuu sababayaa ceeb, go’doon bulsho, iyo xanuun nafsi ah iyo mid jir ahaaneed oo culus. Waxa ugu xanuunka badan ayaa ah in cudurkan laga hortagi karo, lagana daweyn karo haddii la helo adeeg caafimaad oo degdeg ah.
Warbixintan waxaa soo jeedinaysa: Hamdi Dirie Ali