Sare u kac ku yimid Qiimaha Dahabka suuqyada Magaalada Baydhabo

0
72

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Waxaa Sara u kac badan Laga dareema qiimaha dahabka ee suuqyada magaalada Baydhabo toddobaadyadii u dambeeyay, taasoo saameyn ku yeelatay ganacsatada iyo macaamiisha labadaba. Dadka ku shaqeeya iibinta iyo iibsiga dahabka ayaa sheegay in kororka qiimaha uu salka ku hayo isbedello ku yimid suuqyada caalamiga ah iyo sicir-bararka gudaha.

Ganacsatada dahabka ah ee Baydhabo ayaa tilmaamay in halkii garaam uu sare ugu kacay celcelis ahaan boqol doolar taa oo qiima ahan aad uga sareysa qiimihii hore. Ganacsatada ayaa dareemaya culays, iyadoo qaar ka mid ah aysan awoodin iibsashada dahabka sida ay u qorsheeyeen.

Sacdio Abdulkadir ayaa soo jeedinaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here