Masuuliyiin ka tirsan Galmudug oo xarig jaray ceel-biyood laga hirgeliyey deegaanka Cali Xasan.

0
88

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Galmudug iyo madax ka socotay hay’adda samafalka ee IRC ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray ceel-biyood cusub oo laga hirgeliyey deegaanka Cali Xasan oo hoos yimaada degmada Guriceel.

Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug, Guddoomiyaha Degmada Guriceel, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, iyo wakiillo ka socday hay’adda IRC.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdidaahir Garaad Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here