Mashruuc logu hormarinayo Beeraha oo laga daahfuray degmada Caabudwaaq.

0
65

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-–Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha ee Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah uga qayb galay munaasabad lagu daahfurayay mashruuca FSRP (Food Systems Resilience Project), kaas oo laga hirgelinayo degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Munaasabaddan daahfurka ayaa waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Galmudug, Xoghayaha Dowladda Hoose ee Caabudwaaq, Xiriiriyaha mashruuca, qaar kamid ah agaasimayaasha wasaaradaha.

Mashruuca FSRP oo diiradda saaraya adkeynta nidaamka cuntada iyo xoojinta wax-soo-saarka beeraha, ayaa la filayaa inuu wax weyn ka beddelo xaaladda nololeed ee beeraleyda iyo xoola-dhaqatada deegaanka, isaga oo kor u qaadaya helitaanka cunto, horumarinta kaabeyaasha beeraha, iyo taageerada bulshada nugul.

Warkan waxaa soo jeedineysa:Sadio Abdulkadir Yusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here