Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka warbixisay wafdi heer sare ah oo ka socda Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka (FIFA), kuwaas oo lagu wado in ay maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho.
Wasiir ku xigeenka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dahabo Suusow Maxamuud sheegtay in booqashada wafdigan ay qayb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo ciyaaraha dalka, gaar ahaan kubadda cagta. Wafdiga FIFA ayaa la filayaa in ay kulammo la qaataan madaxda xiriirka kubadda cagta Soomaaliya (SFF), masuuliyiinta wasaaradda, iyo dhinacyada kale ee ciyaaraha quseeya.
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdullahi Abdulkadir Nor