Bayern Munich Oo Weerar Suuqa Ku Soo Qaadaysa Liverpool.

0
68

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda Bayern Munich ayaa doonaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Liverpool ee Cody Gakpo, sida ay sheegayaan wararku.

Bayern Munich ayaa suuqa ugu jirta xiddig ka ciyaara garabka si ay ugu xoojiso kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda reer Germany ayaa hore u doonaysay saxiixa xiddiga Leverkusen ee Florian Wirtz, balse Liverpool ayaa ku guuleysatay tartanka loogu jiray Florian Wirtz.

Sidaas darteed, Bayern Munich ayaa dareenkooda u weecinaysa xiddiga Cody Gakpo oo u ciyaara Liverpool.

Xiddiga Cody Gakpo ayaa muhiim u ah kooxda Liverpool, waxaana uu kooxda u ciyaaray kulamo badan xilli ciyaareedkii dhammaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here