Chelsea oo Ku Guuleysatay UEFA Conference League

0
57

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Chelsea ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay UEFA Conference League kadib markii ay 4-1 kaga adkaatay Real Betis ciyaartii kama dambaysta ahayd ee ka dhacday Wrocław, Poland.

Real Betis ayaa goolka la hormartay daqiiqaddii 9-aad, balse Chelsea ayaa ciyaarta la wareegtay qeybtii labaad. Enzo Fernández, Nicolas Jackson, Jadon Sancho iyo Moisés Caicedo ayaa dhaliyay afarta gool ee guusha u horseeday Blues.

Tababare Enzo Maresca ayaa isbeddel muhiim ah sameeyay qeybta nasashada, isagoo soo geliyay ciyaartoy door weyn ka qaatay guusha. Betis oo markii ugu horreysay final Yurub ah ciyaaraysay, ayaa laga badiyay iyadoo khibradda Chelsea ay saameyn weyn yeelatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here