Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Magaalada Barakeysan ee Maka, ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa waxaa lagu sameeyey baaritaano caafimaad oo loogu talagalay qaar ka mid ah Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan gudanaya waajibaadka Xajka. Baaritaankan oo ay fuliyeen kooxo caafimaad oo isugu jira Sacuudiyaan iyo Soomaali, ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu xaqiijiyo badqabka caafimaad ee Xujeyda, loogana hortago cudurrada faafa iyo xaaladaha caafimaad ee degdega ah.
Abdifatah Mohamed ayaa warkan soo jeedinaya.