Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Magaalada Muqdisho ayaa martigelisay doorashada hoggaanka cusub ee Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Doorashadan ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee jaamacadda iyadoo ay ka qeyb galeen boqolaal arday ah oo ka kala socday kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, ayaa goobjoog ka ahaa doorashadaasi, isagoo bogaadiyey habraaca doorashada iyo sida ardaydu ugu muujiyeen dimoqraadiyad.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor