10-ka Xiddig Ee Ugu Cad-Cad Abaalmarinta Ballon d’Or

0
60

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Garabka Paris Saint-Germain, Ousmane Dembélé, ayaa hadda ah ciyaaryahanka ugu cadcad ee ku guuleysan kara abaalmarinta Ballon d’Or ee sanadkan.

Dembélé ayaa door muhiim ah ka qaatay guulaha kooxda Ligue 1 ka dhisan, maadaama ay xilli ciyaareedkan ku guuleysteen saddex koob oo waaweyn.

Guushii ay Sabtidii 5-0 uga badiyeen Inter Milan ayaa keentay in PSG ay markii ugu horreysay taariikhdeeda ku guuleysato Champions League.

Wiilasha uu hoggaamiyo Luis Enrique ayaa horey u xaqiijiyey hanashada horyaalka Ligue 1, iyagoo sidoo kale ku guuleystay Coupe de France.

Sida laga soo xigtay Odds Checker, Dembélé ayaa hoggaaminaya liiska xiddigaha ugu cadcad ee u tartamaya abaalmarinta Ballon d’Or.

Laacibka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa ka sarreeya labada ciyaaryahan ee Barcelona ee Raphinha iyo Lamine Yamal.

Ciyaartoyda kale ee PSG sida Gianluigi Donnarumma, Désiré Doué, iyo Khvicha Kvaratskhelia ayaa sidoo kale ku jira tobanka sare.

10-ka Xiddig ee Ugu Cadcad Ballon d’Or 2025:

  1. Ousmane Dembélé

  2. Lamine Yamal

  3. Raphinha

  4. Mohamed Salah

  5. Lautaro Martínez

  6. Gianluigi Donnarumma

  7. Khvicha Kvaratskhelia

  8. Pedri

  9. Kylian Mbappé

  10. Désiré Doué

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here