Maamulka dagmada Cadaado oo tababar usoo xiray xubno ka tirsan waaxda hawlaha guud

0
19

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Gudoomiyaha degmada Cadaado Farax Diriye warsame oo uu wehliyo Agaasimaha wasaradda howlaha guud dib-udhiska iyo guriyeynta dowladda Galmudug ayaa tababar usoo xiray waaxda hawlaha guud ee dowladda hoose ee degmada cadaado .

Tababarkaan oo ujeedkiisu ayaa aqoon isweydaarsi ayaa waxaa si qoto dheer loogu lafa guray suurtagalnimada hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee degmada cadado iyo xaaladaha ku habboon kobcinta isku-xirka bixinta adeegyada bulshada, iyo horumarinta degmada.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay daneeyayaasha muhiimka ah sida dawladda hoose, xubnaha bulshada rayidka, Ganaacsatada , iyo khubaro farsamo oo ka socday Wasaaradda Howlaha Guud Iyo Guriyeynta dowlada Galmudug.

Warkan waxaa faah faahinaya: Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here