Xaaladda amni ee deegaanno u dhow Addis Ababa oo laga dayrinayo

0
18

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Qaar ka mid ah darawallada gaadiidka dadweynaha ee u kala goosha Addis Ababa iyo Goojaam islamarkaana isticmaala waddada Feche ilaa Goha Tsion ayaa ka dayrinaya isticmaalka waddadaasi. Waxa ka mid ah darawal magiciisa ku sheegay Taariqen oo goobtan ku sifeeyay ‘aagga dhimashada’.

Waxa uu sheegay markii loo xilsaaray in uu waddadaas isticmaalo in wixii uu ka fikiryay uu ahaa kala doorashada nolol u dhaxaysa geeri iyo in ay qoyskiisu tuugsadaan. Waxa jira weerarro isdaba joog ah oo laga diiwaan geliyay deegaanka Oromiya, gaar ahaan Ali Doro, Gerbe Guracha iyo Goha Zion.

Wadayaasha gaadiidka dadweynaha ee waddadan isticmaala ayaa ka cabanaya jidgooyo iyo kooxo hubaysan oo dhexda u gala gaadiidka.

Intaa waxaa dheer, kooxaha weerarka geysanaya ayaa la sheegay in ay mararka qaar lacago baad ah oo fara badan ay ka qaataan dadka si ay u sii daayaan ama ugu oggolaadaan in ay sii safraan.Qaar ka mid ah oo ay BBC-du la hadashay waxa ay sheegayaan in weerarrada iyo dilalku ay yihiin kuwo soo noqnoqda. Dawladda ayaa falalkan ku eedaysay kooxda hubaysan ee ONLF-Shene.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here