Xarumo adeegyo caafimaad u qabanayo xujayda oo laga hirgaliyey Minna

0
54

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Waxaa magaalada barakeysan ee Minna, gudaha tendhiyada ay xujeyda Soomaaliyeed deggan yihiin, laga hirgeliyey xarumo caafimaad oo si gaar ah ugu adeegaya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudanaya waajibaadka xajka.

Xarumahan ayaa waxaa ka howlgala dhaqaatiir iyo kalkaaliyayaal caafimaad oo Soomaali ah, kuwaas oo si joogto ah ugu diyaar ah inay bixiyaan adeegyada caafimaad ee muhiimka ah
Ujeeddada laga leeyahay xarumahan waa in la xaqiijiyo badqabka iyo caafimaadka xujeyda Soomaaliyeed, maadaama Minna ay ka mid tahay meelaha ugu mashquulka badan ee lagu qabto acmaasha xajka.

Abdifatah Mohamed Ahmed ayaa warkan faah faahinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here