Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maamulka degmada Awdiinle ayaa si rasmi ah u bilaabay olole ballaaran oo lagu furayo waddooyinka muhiimka ah ee degmada, iyadoo uu ujeedku yahay in la fududeeyo isu-socodka bulshada iyo gaadiidka, loona diyaariyo degmada horumar dhanka kaabeyaasha dhaqaalaha ah.
Ololaha furitaanka ayaa waxaa ka qeyb ka aha mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, dhalinyarada, haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Guddoomiyaha degmada Awdiinle ayaa sheegay in ololahan uu yahay mid muhiim u ah isku xirka xaafadaha degmada iyo kobcinta ganacsiga maxalliga ah.
Sacdio Abdulkadir Yusuf ayaa warkan soo jeedinaysa.