Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Urur samafal ah ee samakaab ayaa ku guuleystay in uu hilibka udxiyadda u qaybiyo ilaa 3,000 oo qoys oo danyar ah, kuwaasoo ku kala nool degmooyinka Cadado iyo Godonlabe ee gobolka Galguduud, Soomaaliya.
Qaybintan ayaa qayb ka ahayd dadaallada lagu garab istaagayo bulshada nugul xilliga ciidda Carafo, iyadoo xooga la saaray qoysaska dhibaatooyinka nololeed la tacaalaya.
Abdifitah Mohamed Ahmed ayaa faah faahinaya.