Masuuliyiin ka tirsan Galmudug oo dhiiragaliyay shirkada Dhaqan kaaba.

0
37

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Waxaa booqasho dhiirrigelin iyo taageero leh ku tegay degaanka bidhaan-dheere ee duleedka Dhuusamareeb  xubno ka tirsan dowladd goboleedka Galmudug   oo ay ka mid yihiin xildhibaano, wasiiro, maamulka gobolka Galgaduud iyo Danjire Axmed Cabdi Salaan.

Ujeeddada booqashadan ayaa ahayd in lagu garab istaago laguna bogaadiyo Ubax Cabdullaahi Culow (Dhaqankaaba) oo ah gabar da’yar oo tusaale u noqotay hal-abuur iyo geesinimo dhinaca ganacsiga.

Ubax Cabdullaahi Culow ayaa lagu amaanay sida ay uga faa’iideysatay dhul ay leedahay, iyada oo hirgelisay mashruuc ganacsi oo casri ah, laguna saleeyay fikrad horumarsan oo ku wajahan ka faa’iideysiga kheyraadka deegaanka.

Warkan waxaa faah faahinaya:Abdullahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here