Dhuusamareeb(Idaacadda Daar-Dheer)Wasaradda arrimaha gudaha federalka iyo dib u heshiisiinta dowlad goboleedka galmudug ayaa magaalada Gaalkacayo kusoo gaban gabesay kulanka ansixinta la tashiga bulshada ee hanaan ka hormarinta qorshaha degmada Gaalkacyo.
Kulanka waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada
Gaalkacyo,waxaana Wasarada oo kaashanaysa masuuliyiinta maamulka degmada
Gaalkacyo ee gobolka Mudug ay bulshada usoo bandhigeen natiijada la tashiga bulshada deegaanada hoostaga Gaalkacyo.
Mohamed cusmaan hureyra oo ka tirsan masuuliyiinta wasarada arrimaha gudaha
federalka iyo dib u heshiisiinta ayaa bulshada kulanka kasoo qeyb gshay u sharaxay
waxa uu ku saabsanyahay qorshaha hormarinta magalada gaalkacyo oo uu
kutilmaamay mid dhamaystiran kuna cadyihiin dhamaan qorshayaasha waxqabadka
maamulka eek u aadan homarinta adeegyada nolosha bulshada laxariira 5ta sano ee soosocota..
Waxaa Warbixintaan inoo soo jeedinaya Xamdi Diiriye Cali.