Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in ay kaqayb qaadanayaan dib udhiska degmada Galiinsoor

0
62

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Galmudug, isagoo ka hadlayay xaaladda degmada Galiinsoor, ayaa sheegay in Galmudug ay si buuxda uga qayb qaadanayso dib-u-dhiska degmadaas. Waxa uu carabka ku dhuftay in Galiinsoor ay leedahay muhiimad istaraatiji ah oo dhanka amniga, dhaqaalaha,isku xirka gobollada Galmudug ah, sidaas darteedna loo baahan yahay in la xoojiyo horumarka iyo adeegyada bulshada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in maamulka Galmudug uu la kaashanayo dowladda federaalka iyo hay’adaha samafalka sidii adeegyada aasaasiga ah loogu soo celin lahaa degmada Galiinsoor.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liibaan Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here