Madaxweynaha JFS oo sheegay in soomaliya ka faaiideysanayso kheyraadka dabiiciga ah.

0
34

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasabadda xil-wareejinta taliska hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka (NISA).

Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay fursadaha ballaaran ee dalka yaalla, gaar ahaan kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya ay hodanka ku tahay.

Waxa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda Soomaaliyeed ay dadaal xooggan ku bixin doonto sidii si hufan, sharciyeysan, oo danta shacabka u adeegaysa looga faa’iideysan lahaa kheyraadkaasi.

Warkan waxaa soo jeedineysa:Hamdi Diriye Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here