Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Taya Dhowrka Qaranka ayaa si rasmi ah u daahfurtay bandhig ballaaran oo lagu dhiirrigelinayo wax-soo-saarka gudaha.
Bandhiggan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ujeeddadiisu tahay in lagu taageero ganacsatada yaryar, lagu kobciyo dhaqaalaha gudaha, lana horumariyo wax-soo-saarka dalka.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdifitah Mohamed Ahmed