Maxaa Xalay Ku Dhacay Kooxda Messi?

0
30

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda Al Ahly ee dalka Masar ayaa barbaro goolal la’aan ah 0-0 la gashay dhigeeda dalka Mareykanka ee Inter Miami, ciyaartii furitaanka koobka kooxaha adduunka ee Axaddii ka dhacday garoonka Hard Rock Stadium, iyadoo koox walba ay hal dhibic ka heshay bilowga tartanka.

Ciyaaryahanka Al Ahly Mahmoud Trezeguet ayaa ka qasaariyay rigoore ka hor dhammaadka qeybta hore ee ciyaarta, taasoo keentay in kooxda Masar ay fursad dahabi ah seegto, iyadoo goolhayaha Inter Miami Oscar Ustari uu ka badbaadiyay.

Al Ahly ayaa kulanka labaad ee Group A la ciyaari doonta kooxda reer Brazil ee Palmeiras, halka Inter Miami ay wajihi doonto kooxda Porto ee dalka Portugal.

Kooxaha ku guuleysta Group-yada iyo kuwa kaalmaha labaad galay ayaa u gudbi doona wareega 16-ka ee tartankan oo markii ugu horreysay loo qabanayo qaab ballaaran oo ay ka qeyb galayaan 32 kooxood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here