Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarunta Degmada Yaaqshiid kaga qeyb galay kulan Wacyigelin oo ku saabsan Isdiiwaangelinta Dadweynaha ee Doorashooyinka tooska ah.
Kulanka ayaa diirada lagu saaray muhiimada ay leedahay isdiiwaangelinta dadweynaha ee doorashooyinka tooska ah, taasi oo qeyb ka ah qorshaha dimuqraadiyeynta dalka oo talada dib loogu celinaayo bulshada, si ay usoo doortaan hogaankooda, isla markaana ay xuquuqdooda aasaasiga ah u helaan.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdifitah Mohamed Ahmed.