Howlgal Lagu Xaqiijinayo Furfurnaanta Waddooyinka Suuqa Gaalkacyo oo Bilaabmay.

0
44

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa bilaabay howlgal lagu burburinayo dhismayaal sharci darro ah oo ku yaalla waddooyinka laamiga ah.

Howlgalkaan burburinta ah ayaa laga fuliyey qaybo ka mid ah Suuqa Weyn ee magaalada Gaalkacyo, halkaas oo dadweyne si sharci darro ah uga dhisteen waddooyinka soo gala suuqa.

Dhismayaashan sharci darrada ah ayaa caqabad ku noqday isu socodka gaadiidka iyo dadka isticmaala waddooyinka muhiimka ah ee suuqa.

Warkaan waxaa soo jeedinaya: Hamdi Diriye Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here