Aqoon-is-weydaarsi ku saabsan doorka culimada ee nabadda oo Dhusamareeb lagu soo xiray .

0
39

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Dowladda Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb ku soo gabagabeysay aqoon-is-weydaarsi diiradda lagu saarayay doorka culimada ee nabadeynta iyo xoojinta iskaashiga bulshada.

Aqoon-is-weydaarsigan oo socday muddo dhowr maalmood ah ayaa waxaa ka qeybgalay culimo, waxgarad, iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah, kuwaas oo si qoto dheer uga dooday kaalinta ay culimadu ku leeyihiin xasilloonida, wacyigelinta bulshada, iyo dhiirrigelinta wada noolaanshaha.

Warkaan waxaa soo jeedineysa:  Sadio Abdulkadir Yusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here