Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Waaxda Nadaafadda iyo Bilicda ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ka fulisay olole nadaafadeed waddada Makka Al-Mukarama, oo ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan ee magaalada Muqdisho.
Ololahan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo bilicda caasimadda, laguna joogteynayo nadaafadda deegaanka.
Warkaan waxaa soo jeedinaya:Abdifitah Mohamed Ahmed