Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Bulshada ku nool deegaanka Afweyn oo hoos yimaada magaalada Dhuusamareeb, caasimadda maamulka Galmudug, ayaa codsi u diray dowladda iyo hay’adaha samafalka, iyagoo dalbanaya in la siiyo taageero dhanka waxbarashada.
Qaar ka mid ah waxgaradka, waalidiinta, iyo dhalinyarada deegaanka ayaa sheegay inay la daalaa dhacayaan caqabado badan oo ku saabsan helitaanka adeegyada waxbarasho, sida macallimiin tayo leh, agab waxbarasho, iyo xarumo ku filan oo carruurtu ku bartaan aqoonta. Sidoo kale, waxay xuseen in carruur badan ay ka harayaan waxbarashada, sababo la xiriira dhaqaale xumo iyo xarumo waxbarasho oo aan daboolin baahida deegaanka.
Warkaan waxaa soo jeedineysa: Sadio Abdulkadir Yusuf