Maamulka Hobyo oo Ka Qeyb Galay Caleemo-saarka Suldaan Cusub.

0
43

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maamulka degmada Hobyo ayaa ka qeyb galay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu caleemo saaray mid ka mid ah salaadiinta dhaqanka Galmudug.

Munaasabaddan oo ka dhacday gudaha degmada Hobyo ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada, odayaal dhaqameed, haween, dhalinyaro iyo marti sharaf kale.

Caleemo-saarka suldaanka cusub ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo kor u qaadaysa doorka dhaqanka ee deegaanka, isla markaana xoojinaysa wada shaqeynta ka dhaxaysa maamulka iyo hoggaanka dhaqanka.

Maamulka degmada Hobyo ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay si dhow ula shaqeeyaan salaadiinta dhaqanka si loo xaqiijiyo horumar, nabad iyo xasillooni waarta.

Warkaan waxaa soo jeedinaya:  Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here