Hay’adda Tirakoobka Qaranka oo Muqdisho ku qabatay Madasha Wadajirka ee Isku-Duwidda Xogta

0
47

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Hay’adda Tirakoobka Qaranka ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay madal muhiim ah oo loogu magac daray Madasha Wadajirka ee Isku Duwidda Xogta iyo Istatistikada Qaranka. Madashan ayaa ahayd mid si weyn diiradda u saaraysay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta hay’adaha heer federaal iyo dowlad goboleedyada si loo helo xog mideysan, sax ah, lana isku halleyn karo.

Madasha waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiillo ka socday dowlad goboleedyada dalka, iyo khubaro ku takhasusay tirakoobka iyo xog ururinta.

Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sacdio Abdulkadir Yusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here