Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu go’aan ka gaari doono in weerar militari lagu qaado Iran “labada toddobaad ee soo socda” iyo in kale.
Trump ayaa labada toddobaad qabsaday sababo la xirriira “fursado weyn oo wadahadal ah” oo lala yeesho Iran, tallaabadaas oo hoos u dhigtay heerka xiisadaha, ayuu qoray wariyaha BBC ee Waqooyiga Ameerika.
Ugu yaraan 71 qof ayaa ku dhaawacantay weerar ay Iiraan ku qaadday cisbitaal ku yaala Israa’iil, weerarkaas oo wasiirka gaashaandhigga Israa’iil uu sheegay in uu la macno yahay in hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran “aan loo oggolaan doonin inuu sii noolaado”.
Milatariga Israa’il waxay shegeen inay duqeymo ka fuliyeen xalay Texraan, iyagoo adeegsaday 60 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah.
Duqeynta waxay ku sheegeen inay la beegsadeen xarumo milatari iyo xarun lagu baaro gantaallada, inkastoo Iiraan aysan ka hadlin weeraradaas.
Dhanka kale, 6 qof ayaa lagu soo warramayaa in loola cararay isbitaalka ka dib duqeymo la sheegay in Iiraan ay ka geysatay gudaha Israa’iil, waxa auuna sidoo kale burbur soo gaaray goob ay dad shacab ah degenaayeen.
Iran ayaa dalka oo dhan ku soo rogtay xayiraad guud oo xaga isgaarsiinta internetka ah, taasoo lagu tilmaamay inay tahay tii ugu xumayd ee soo marta taariikhda dalkaas
Mareykanka iyo UK ayaa isku raacay in Iran aysan waligeed “sameysan karin hub nukliyeer ah”, kadib kulan dhexmaray xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio iyo xoghayaha arrimaha dibadda UK David Lammy.
Lammy ayaa lagu wadaa in uu Geneva kula kulmo dhiggiisa Faransiiska, Jarmalka, Midowga Yurub iyo Iran gelinka dambe ee Jimcaha maanta