Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Waxaa si rasmi ah loogu soo xiray Shirweynihii 5aad ee Ururka Dhakhaatiirta Puntland (Puntland Medical Association), kaas oo muddo labo maalmood ah ka socday magaalada Garoowe.
Shirka oo ahaa mid muhiim u ah horumarinta adeegyada caafimaadka iyo mideynta dhakhaatiirta Puntland, ayaa waxaa ka qaybgalay boqolaal dhakhaatiir ah oo ka kala yimid gobollada Puntland, madax ka socotay wasaaradda caafimaadka, ururrada caafimaadka ee maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah.
Intii uu socday shirweynuhu, waxaa lagu doortay hugaanka cusub ee Dhaqatiirta Puntalnd.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor