Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimilada dowladda Galmudug, ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku soo xiray Aqoon-isweydaarsi ku saabsanaa isbeddelka cimilada iyo sida uu u saameynayo bulshada ku nool deegaannada Galmudug.
Aqoon-isweydaarsigaan oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka soo qayb galay wakiillo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada sida Haweenka,Dhallinyarada,Culimada,Ardeyda jaamacadaha,warbaahinta iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi.