Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay tababar muhiim ah oo diiradda lagu saarayay ilaalinta xuquuqda maxaabiista.
Tababarkan oo ay ka qeyb galeen shaqaalaha xabsiyada, saraakiisha laamaha amniga, iyo xubno ka tirsan hay’adaha garsoorka ayaa ujeedkiisu ahaa kor u qaadista wacyiga iyo aqoonta la xiriirta ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dadka xiran.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland oo tababarka si rasmi ah u furay ayaa ka hadlay ujeeddada guud ee laga leeyahay tababarkan, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo xuquuqda maxaabiista si waafaqsan sharciga iyo mabaadi’da xuquuqda aadanaha.
Warkaan waxaa soo jeedineysa: Sadio Abdulkadir Yusuf