Madaxweynaha Soomaaliya oo baaq u diray hoggaanka iyo shacabka Soomaliland

0
12

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qaybgalay xuska maalinta 26-ka Juun oo si weyn loogu qabtay magaalada Muqdisho. Xuskan ayaa lagu maamuusayaa maalinta ay gobollada Waqooyi (British Somaliland) xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska sanadkii 1960-kii.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay ku bogaadiyay halgankii gobollada Waqooyi ee xornimada, isagoo ugu baaqay walaalaha reer Waqooyi in ay ka shaqeeyaan midnimada umadda Soomaaliyeed, kuna soo laabtaan wadajirka iyo wadahadalka si loo helo Soomaaliya mideysan, nabdoon oo horumar leh.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdifatah Mohamed Ahmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here