Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Dastuurka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baraawe ku soo gabagabaysay kulan wacyigelin ah oo ku saabsan Dastuurka. Kulankan oo socday muddo maalmo ah ayaa diiradda lagu saaray fahanka dastuurka, doorka bulshada ee dib-u-eegista dastuurka iyo muhiimadda uu u leeyahay dhismaha dowladnimada Soomaaliya.
Kulanka waxaa ka qayb galay qeybaha gudomiyaha degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Baraawe, sida odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada . Ujeedada kulanka ayaa ahayd in kor loo qaado wacyiga dadweynaha si ay si firfircoon uga qayb qaataan hanaanka dib-u-eegista iyo dhameystirka Dastuurka KMG ah ee dalka.
Abdifatah Mohamed Ahmed ayaa warkan soo jeedinaya.