Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa si rasmi ah u soo xiray tartanka kubbadda koleyga ee degmooyinka magaalada Muqdisho.
Tartankan oo socday muddo todobaadyo ah ayaa lagu qabtay garoonka Wiish, waxaana ka qeyb galay dhammaan 17-ka degmo ee gobolka Banaadir, iyadoo koox walba ay dadaal xooggan gelisay sidii ay horyaalka u hanan lahayd.
Guddoomiye Muungaab ayaa tilmaamay in ciyaaraha noocan oo kale ah ay fursad u yihiin kor u qaadista nabadda, isdhexgalka bulshada, iyo horumarinta xirfadaha dhalinyarada Soomaaliyeed.
Abdulahi Abdulkadir Nor ayaa warkan soo jeedinaya.