Liverpool Oo Shaacisay Qiimaha Ay Ku Fasaxeyso Harvey Elliot

0
19

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Warbaahinta Ingiriiska ayaa maanta oo Jimce ah, daaha ka qaaday in kooxda Liverpool diyaar u tahay inay iibiso ciyaaryahankeeda Harvey Elliott inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga, iyadoo lagu qiimeeyay £40 milyan.

Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Mail, Liverpool kama soo horjeedo bixitaanka Elliott xagaagan, gaar ahaan kadib markii ay kooxda la saxiixatay xiddiga reer Jarmal ee Florian Wirtz, taasoo hoos u dhigi karta fursadaha uu Elliott ku heli karo ciyaaro joogto ah xilli ciyaareedka soo socda.

Wargeysku wuxuu caddeeyay in da’yarka 22-jirka ah uu haysto dalabyo dhowr ah, oo ay ku jiraan laba dalab oo ka yimid Premier League-ka Ingiriiska, Brighton iyo West Ham, iyo sidoo kale xiiso waxaa xiise uu muujiyay kooxda RB Leipzig ee Jarmalka. Si kastaba ha ahaatee, midkoodna ma buuxin qiimaha ay Liverpool ku doonayso.

Xiisaha loo qabo Harvey Elliott ayaa yimid kadib bandhiggiisii cajiibka ahaa ee uu la sameeyay xulka England U21, isagoo hogaamiyay xulkiisa ilaa finalka Tartanka Qaramada Yurub ee da’yarta, sidoo kale wuxuu Liverpool u ciyaaray 28 kulan xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, isagoo dhaliyay 5 gool isla markaana caawiyay 3 gool kale.

Liverpool ayaa dooneysa inay ka faa’iideysato lacagta laga helayo ciyaaryahanka,maadaama  aysan heyn fursad uu si joogto ah ku heli karo boos safka koowaad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here