Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo oo sameeyay olole dhir-beeris iyo rinjiyeeyn ah

0
36

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo Oo kaashanaayo Ururka Dhalinyarada Degmada, Waxaa Uu fuliyay olole ballaaran oo dhir-beeris iyo rinjiyeyn ah, kaas oo qayb ka ah dadaallada bilicda iyo dhireynta magaalada lagu horumarinayo.

Ololahan ayaa waxaa soo agaasimay Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Dowladda Hoose, Daahir Maxamuud Cilmi, iyadoo ay ka qeyb galeen Maamulka Ciyaaraha Degmada Gaalkacyo,Guddoonka ardayda Jaamacadaha GU iyo Modern, aqoonyahanno, iyo dhalinyarada deegaanka.

Dadaalladan waa qayb ka mid ah tartanka degmooyinka ee Todobaadka Xorriyadda “Xus oo Xaaqo”, kaas oo ay si firfircoon uga qeyb qaadanayaan dhammaan degmooyinka dalka Soomaaliya. Ujeeddada tartankani waa dhiirrigelinta waddaniyadda, nadaafadda, iyo bilicda magaalooyinka dalka.

Warkan waxaa soo jeedunaya: Abdifatah Mohamed Ahmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here