Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Galmudug ayaa magaalada Gaalkacyo ku qabatay tababar aqoon-is-weydaarsi ah oo loo qabtay qaar ka mid ah wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda Galmudug. Tababarkan ayaa waxaa lagaashanayay hay’adaha UNICEF iyo WFP.
Tababarka ayaa diiradda lagu saaray is-wafajinta mashruucyada GBLG/GRB iyo mashruuca Baxnaano. Waxaa furitaanka tababarka ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Galmudug, isagoo xusay muhiimadda qorshe mideysan oo lagu horumarinayo adeegyada bulshada.
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor