Dahabkii Baydhabo oo Gaaray Qiime Rekoodh Ah.

0
15

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Waxaa si weyn sare ugu kacay qiimaha dahabka ee lagu kala iibsado suuqyada magaalada Baydhabo, taasoo ay sababeen yaraanta dahabka cusub ee magaalada la keeni jiray, sida ay sheegeen qaar ka mid ah ganacsatada dahabka.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo suuqyada ganacsiga ee Baydhabo, garaamkii dahabka ah ayaa haatan lagu kala iibsadaa qiimo dhan 115 dollar, halka uu horey ugu kala go’i jiray inta u dhaxaysa 50 ilaa 70 dollar.

Warkaan waxaa soo jeedineysa: Hamdi Diriye Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here