Hirshabeelle oo garwadeen ka noqotay dib u heshiisiin ka Socota Warsheekh

0
13

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Dib u Heshiisiinta Hirshabeelle, Cabdullaahi Cadde, iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Maxamuud Maxamed Nuur, ayaa si rasmi ah uga furay degmada Warsheekh shir dib u heshiisiin ah oo lagu xallinayo colaado dhawaan dhex maray beelo walaalo ah oo wada dega deegaanada hoostaga degmadaasi.

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle, guddoomiyaasha degmooyinka Warsheekh iyo Balcad, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka heer gobol iyo degmo.

Warkaan waxaa soo jeedineysa: Sadio Abdulkadir Yusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here