Iskaashatada Beeraleyda Cadaado oo helay agab Horumarineed oo Cusub.

0
15

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiye ku-xigeenka degmada Cadaado, Cabdixakiin Maxamed Cali (Shilin), ayaa la wareegay lix mashiin oo casri ah oo loogu talagalay horumarinta wax-soosaarka beeraha, kuwaas oo maamulka degmada ku wareejiyayIskaashatada Beeraleyda degmada Cadaado.

Mashiinnadan ayaa waxaa si wadajir ah u soo gudbiyay Wasaaradda Beeraha ee Galmudug iyo hay’adda ARC, iyadoo ay goobta ku sugnaayeen Agaasimaha Wasaaradda Beeraha Galmudug, wakiillo ka socda hay’adda ARC, iyo xubno ka tirsan Iskaashatada Beeraleyda degmada Cadaado oo agabkan loogu talagalay.

Warkaan waxaa soo jeedineysa: Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here