Masuuliyiin ka tirsan Galmudug oo ka qayb galay xarig jarka isbitaal laga hirgeliyay degmada guriceel.

0
9

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Ku-simaha Duqa Degmada Gaalkacyo ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada, Eng. Maxamed Cabdi Cilmi, ayaa Xalay magaalada Gaalkacyo kulan Casho Sharaf ah u sameeyay qaar ka mid ah xubnaha guddigii qaban-qaabada munaasabadda xuska maalinta xorriyadda ee 1-da Luulyo.

Kulankan ayaa waxaa uu ahaa mid lagu dhiirrigelinayo dadaalkii ay muujiyeen guddiga intii lagu jiray diyaarinta iyo qabsoomidda munaasabadda taariikhiga ah ee xuska 1-da Luulyo, taasoo si heer sare ah loogu qabtay magaalada Gaalkacyo maalmo kahor.

Liibaan Mohamed Abdi ayaa warkaan soo jeedinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here