Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Guriceel ayaa sheegay in xaaladda amni ee magaalada ay tahay mid deggan, ganacsataduna ay si xor ah u wataan ganacsigooda.
Guddoomiyaha Amniga ee maamulka dowladda hoose, Bacadle Sheekh Xuseen Diirshe, oo la hadlay Radio Daar-Dheer, ayaa xusay in aysan jirin wax cabsi ah oo la xiriirta amniga, isla markaana bulshada iyo ganacsatadu ay si nabad ah ugu noolyihiin magaalada.
Guddoomiye Bacadle ayaa sidoo kale ugu baaqay ganacsatada inay kaalin ka qaataan sugidda amniga, isagoo ku dhiirrigeliyay in ay goobahooda ganacsi ku rakibaan kaamirooyin si looga hortago khataraha amni ee dhici kara mustaqbalka.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor