Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Masuuliyiin katirsan Galmudug ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray isbitaal cusub oo laga hirgeliyay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeybgalay masuuliyiin kala duwan, oo ay ka mid yihiin wasiirro, xildhibaano iyo maamulka degmada.
Isbitaalkan ayaa lagu wadaa inuu bixiyo adeegyo caafimaad oo ay ka mid yihiin dhalmada, carruurta, gargaarka degdegga ah iyo shaybaar. Bulshada deegaanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay, iyagoo sheegay in isbitaalku uu wax ka beddeli doono xaaladda caafimaad ee degmada Guriceel iyo deegaanada hoos yimaada.
Liban Mohamed Abdi ayaa warkan haya.