Madaxtooyada Soomaliya oo faafaahin ka bixisay safarka madaxweynaha ee Masar.

0
35
Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalo xeebeedka Al-calmayn ee Jamhuriyadda Carbeed ee Masar, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay helay dhiggiisa dalkaasi Mudane Cabdulfataax Al-Sisi
Inta uu joogo dalka Masar, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu la kulmi doonaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-Sisi si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo arrimaha gobolka.
Waxa ka warbixinaya Afhayeenka Madaxtooyada Cabdiraxmaan Xadaana

 

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here