Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay shir cilmiyeedkii labaad ee Ururka Dhaqaatiirta Lafaha Soomaaliyeed.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed Luul Maxamuud Maxamed, madax ka tirsan Ururka Dhaqaatiirta Lafaha, iyo in ka badan afartan dhakhtar Soomaaliyeed oo ku takhasusay daweynta lafaha.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sacdio Abdulkadir Yusuf