Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo Gaalkacyo furtay tababar ku Saabsan Qadashada Daawooyinka

0
41

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Caafimaadka dowlad-goboleedka Galmudug ayaa magaalada Gaalkacyo ka furtay tababar ku saabsan qaadashada saxda ah ee daawooyinka. Tababarkan oo socon doona muddo dhowr maalmood ah ayaa waxa ka faa’iideysanaya shaqaalaha caafimaadka,ee ka howlgala degmooyinka gobolka Mudug.

Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo tababbarka ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la helo shaqaale si buuxda u fahamsan masuuliyadda ka saaran adeegsiga dawooyinka, si bulshada loo siiyo adeeg caafimaad oo tayo leh.

Sacdio Abdulkadir Yusuf ayaa warkan soo jeedinaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here