Kulan ciyaareed loogu talagalay nabadda iyo is dhexgalka dhalinyarada oo lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo

0
35

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Ku simaha Duqa Degmada Gaalkacyo ahna Gudoomiye ku xigeenka degmada, Eng. Maxamed Cabdi Cilmi, ayaa si rasmi ah u daah furay Tartanka Ciyaareedka Is-dhexgalka Dhalinyarada ee nabadda gobolka Mudug, oo ay ka qayb galayaan kooxo dhalinyaro ah oo ka kala socda maamullada Galmudug iyo Puntland.

Furitaanka tartankan oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo hay’adda CPD (Centre for Peace and Development), ayaa waxaa lagu qabtay garoonka ciyaaraha magaalada Gaalkacyo, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka ciyaaraha, wakiillo ka socday hay’adaha taageeraya, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Warkan waxaa soo jeedinaysa: Hamdi Dirie Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here