Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Tababaraha kooxda Chelsea, Enzo Maresca, ayaa tilmaamay labo astaamood oo muhiim ah oo uu rumeysan yahay inay kooxda Paris Saint-Germain (PSG) leedahay, gaar ahaan marka loo eego sida uu Luis Enrique u maamulo kooxda.
Maresca oo la hadlay warbaahinta kahor kulanka kama dambeysta ah ee Club World Cup-ka FIFA, kaas oo Axadda ka dhici doona dalka Mareykanka, ayaa sheegay in PSG ay si heer sare ah u maamusho kubadda isla markaana si joogto ah u cadaadiso daafacyada dhiggooda.
“Shaki kuma jiro in PSG iyo tababarahooda ay yihiin tusaale wanaagsan oo dadka jecel kubadda cagta ku daydaan,” ayuu yiri Maresca.
“Dhanka kale, annagana waxaan leenahay qaab ciyaareed noo gaar ah, waxaana xilli ciyaareedkan muujinay sida aan u ciyaarno markaan kubadda haysano iyo markaanan haysanba.
“Waxay jecel yihiin inay kubadda ilaashadaan – sida annagaba aan u jecel nahay. Sidoo kale waxay cadaadis saarayaan kooxda ka soo horjeeda, taasna annaguna waan sameynaa.”
Chelsea iyo PSG ayaa isku arkaya finalka, iyadoo labaduba ay ka takhaluseen kooxda reer Brazil ee Fluminense wareeggii semi-finalka.