Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Ciidamada Amniga Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa ka warbixiyay howlgallo ay maalmahan wadeen, kuwaas oo lagu sugayay amniga magaalada.
Howlgalladan oo si gaar ah diiradda loogu saaray xilliyada habeenkii, ayaa lagu beegsaday burcadda dhaca dadka shacabka ah.
Ciidamada ayaa sheegay in howlgallada ay yihiin kuwa lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo in la ciribtiro kooxaha dhaca ka geysta gudaha magaalada, gaar ahaan habeenkii oo ay dadka ugu nugul yihiin weerarro amni-darro.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor